Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Oday ka yimid qurbaha oo Muqdisho isku dal-dalay.

Sida ay sheegayaan degmada Shibis ee Gobolka Banaadir wararka aan ka heleyno nin oday ah dhawaan ka yimid dalka Sweden ayaa isku daldalay.

Da’diisu waxaa ay aheyd 50 sano jir magaciisana waxaa lagu soo gaabiyay Showki. Lamana ogaan wali sababta ka dambeysa in uu nafta is dhaafiyo.

Dadka Deegaanka ayaa soo warinaya in laga war helay oo kaliya ninkan oo ka laad laada xarig uu sidhay aqalkiisa.

Xaafadda Maxfalka ee degmadaasi ayuu falku ka dhacay Maamulka degmada Shibis oo tagay goobtana waxa ay sheegeen in ay waddaan baaritaano.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.