Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Ogoow sababta ay Kanada dib ugu celineyso dalkiisa Aabbe Soomaaliyeed?

Dowladda Kanada ayaa dib Soomaaliya ugu celineysa Yuusuf Maadey Maxamed oo ah Aabe Soomaaliyeed oo ku noolaa Kanada dhworkii sano ee u dambeeyay.

Aabahan ayaa Kanada ku galay Baasaboorka Kenya balse asalkiisii waa Soomaali ka soo tagay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, Hanaanka qaxootiga ayuu ku galay dalka Kanada 2013-kii.

Aabahan oo xaaskiisa iyo Afar caruur ah oo uu dhalay ku nool yihiin dalka Kanada ayaa loo sheegay in dib loogu celinayo dalka Kenya oo uu heysto  Baasaboorkiisa  inkastoo uu diiday wuxuu ku wargaliyay Kanada in asalkiisa uu Soomaali yahay dibna hadii loo celinayo la geeyo dalkiisa hooyo ee Soomaaliya.

Yuusuf ayaa sheegay in dareenkiisa aan la qiyaasi karin, oo uu murugeysan yahay, maadaama laga wadayo qoyskiisa, wuxuuna maanta kahor inta aan dib loogu soo celin Soomaaliya la kulmi doonaa masuuliyiin sare iyo Wasaaradda Socdaalka Kanada.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Edmenton ayaa wada dadaalo ay doonayaan in ay uga hor tagaan in dib aan loo celin abaahan Soomaaliyeed oo sanado kahor la midoobay qoyskiisa.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.