Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Bilyan dheere Hindi ah oo bilyan lacag ah loo haysto oo Britain u baxsaday

Bilyan dheere reer Hindiya ah oo lagu eedeeyay in uu mid ka mid ah bangiyada ugu waawayn ee dalkiisa ka lunsaday lacag ku dhaw labo bilyan oo doolar ayaa la sheegay in uu magangalyo waydiisanayo dalka Britain.

Nirav Modi oo ka ganacsada waxyaabaha qaaliga ah ee lagu xaragoodo dhaymankana ka iibiya xiddigaha shirkadaha Aflaanta ee Hollywood iyo Bollywood ayaa lagu eedeeyay in uu bangiga qaran ee Punjab National Bank ka khayaanay 1.8 bilyan oo doolar.

Nirav ayaa la la’aa meel uu jaan iyo cirib dhigay tan iyo bishii Feebaraayo. Laakiin wargayska Financial Times ayaa sheegay in masuuliyiinta UK iyo kuwa Hindiya ay u xaqiijiyeen in uu hadda ku sugan yahay dalka Britain.

Booliiska Hindiya ayaa xiray saddex ruux oo kale oo lala xiriiriyay kiiskaas horraantii sannadkan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.