Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Deg Deg: Tababaraha xulka Spain Julen Lopetegui oo shaqada laga racadeeyay

Xiriirka kubada cagta Spain ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaadeen in shaqada laga racadeeyay macalin Julen Lopetegui ayadoo hal maalin ka harsan tahay bilaabashada koobka aduunka.

Macalin Julen Lopetegui ayaa shaqadiisa ku waayay kadib markii shalay loo magacaabay hogaaminta Real Madrid marka uu koobka aduunka soo idlaado.

Xiriirka kubada cagta Spain Julen Lopetegui waxay ku tilmaameen qayaanoolee inuu yahay madaama 21-maalmood ka hor uu saxiixay heshiis uu xulkaan kusii leylinaayo ilaa 2020.

Macalin Julen Lopetegui waxaa shaqada laga racadeeyay ayadoo Spain ay diyaar garow ugu jireen kulanka ay Jimcada wajahayaan xulka Portugal waxaana haatan ka jiro xerada Spain muran xoogan.

Go’aankan wuxuu noqday midkii ugu yaabka badnaa ee ku dhaqaaqo xul koob aduunka qayb galaayo waxayna sababi doontaa diyaar garowgooda koobka aduunka xulkan awooda badan inuu kala dhan taalmo.

Leave A Reply

Your email address will not be published.