Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Ciyaarihii Kubadda Cagta ee Soomaalida Mareykanka oo la soo Gaba-gabeeyay- Warbixin + Sawirro

Kulankii kama danbeysta ahaa ee ciyaaraha waxaa isugu soo haray kooxda Halgan oo ka dhisan Minneapolis iyo Kooxda ku ciyaareysay magaca EFG oo Columbus, Ohio iyana ka dhisan.

Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota waxaa lagu soo gabagabeeyey tartan kubada cagta ah oo aad u xiisa badnaa kaasi oo dhexmaray 17 koox.

Sagaal ka mid ah kooxihii ka qeyb galay tartankaasi waxaa ay ahaayeen kuwa ka dhisan gobolkan Minnesota oo ah halka ay dagan yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool  dalka Mareykanka.

Kulankii kama danbeysta ahaa ee ciyaaraha waxaa isugu soo haray kooxda ka dhisan Minneapolis iyo Kooxda  Columbus, Ohio iyana ka dhisan.

Kulankan oo xiiso gaar ah u lahaa bulshada soomaaliyeed waxaa u soo daawasho tagay qeybaha kala duwan ee Soomaalida Mareykankan iyo jaaliyadaha dariska la ah ee sida dhaw iyagana ula socday tartankan

Dhamaan waxaa ay ka mideysnaayeen farxadda daawashada kulankan.

Labada kooxba waxey soo bandhigeen ciyaar wanaag aad loo jecleystay, Balse wakhtigii loogu talagalay Ciyaarta waxaa ay ku soo dhamaatay 3 iyo 1 oo guusha ay ku raacday kooxda Halgan ee Minneapolis ka socotay..

Markii ay ciyaarta dhamaatay waxaa la bixiyayy abaalmarino kala duwan oo ay ugu weyneyd gudoonsiinta koobka Kooxda guuleysatay Halgan.

Sidoo kale waxaa la abaal-mariyay ciyaartooygii ugu wanaagsanaa, gool hayihii ugu wanaagsanaa, ciyaaryahankii ugu goollal dhalinta badnaa, iyo abaal marino kale oo tartanka qeyb ka ahaa.

Qaban qaabada Ciyaarahan waxaa dusha u ritay hay-adda Street Soccer Twin Cities, Waana tartan socday ilaa toban cisho.

Garoonka lagu qabtay kulankaasi kama dambeysta ahaa waxaa goob jog u ahaa ciyaartooydii iyo hore ee Soomaaliya iyo macalimiin oo ay ka mid yihiin Macalin Khariidi iyo Sheekha.

Kulamada ceynkan ah ayaa dhiiri galin u ah dhalinyarada Soomaaliyeed eek u nool Mareykanka sidoo kale waa fursad wanaagsan oo qeyb muhiim ah ka qaadaneysa is dhexgalka bulshada iyo sidii ay isku baran lahaayeen dhalinyarada.

Joogteynta tartamadan oo kale waxaa ay kaalin ka qaadanayaan in la helo xirfadleyaal kubada cagta ku wanaagsan oo Soomaaliyeed.

 

 

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.