Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

War murtiyeedka shirka beelweynta  Akisho ee North America 

War murtiyeedka shirka beelweynta  Akisho ee North America 

Shirkii ay iskugu yimaadaan bulshada kudhaqan North America ee kasoo jeeda beesha waxay kasoo saartay war murtiyeedkan oo ku aadan ethiopia.
1. Beelweynta  akisho waxay si mug iyo miisaanle utaageersantahay isbedelka balaadhan ee uu raysalwasaaraha dawlada federalka  ethiopia  Dr abiye ahmed sameeyey mudadii uu xilka hayey ,waxa kale oo beeshu ay si buuxda utaageersysaa waxqabadka x.d.sh.s.i
2.waxay beeshu cambaaraynaysaaa falkii waxashnimada ahaa ee lagula kacay dadkii isugu soo baxay taageerada raysalwasaaraha dr.abiye ahmed barxada maskel square  ee bamka lalabeegsaday
3. Beeshu waxay u hambalyeynaysaa raysalwasaaraha iyo  dhamaan wasiiradiisa hear federal
4.beeshu waxay aad ugu hambalyeynaysaa
Horumarkii ugu weynaa abid ee kadhacaa ddsi oo ah ceelasha shidaalka oo dhawaan latijaabiyey waxaan leenahay mansha allah bagaan nabad kugaadhnay maalintii xusida mudan ee June 28. 2018. Oo ah maalintii shidaalka ee ddsi kasoo baxay.
5. Beeshu waxay madaxweynaha ddsi ay si xushmadle  Uga codsatay uguna   baaqday inuu fuliyo balanqaadyadii uu ubalan qaaday kulankii ay layeesheen odoyaasha akisho ee bishii March. 2018.
6. Waxa ay beeshu baaq udirtay dhamaan qurbo joogta kasoo jeeda beesha akisho  ee kukala dhaqan Europe, Asia,  Australia, iyo south africa inay soo maalgashadaan dhulka aynu kasoo jeedno,  kana qaybqaataan horumarka wixii dhankooda kaga aadan sida biyaha,waxbarashada, caafimaadka,iyo beeraha soona dhisaan dhulkooda.

HALKANI KA DAAWO VIDEO FADLAN SHARE


HALKANI KA DAAWO SAWIRO XUL AH. FADLAN SHARE

Leave A Reply

Your email address will not be published.