Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay toogasho ka dhacday bartamaha galbeedka Minnesota

David Dale Schwartz oo ah 55-jir ah ayaa dhintay hallka Angela Marie Haugerud, oo 41 jir ah ay dhaawacantay

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo galbeedka Minnesota Nin ayaa dhintay qof dumar ahna dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib toogasho ka dhacday Montevideo Talaadadii wax yar ka hor galabnimadii.

David Dale Schwartz oo ah 55-jir Foley, ayaa dhintay xilli uu ku sugnaa goobta 103-aad, Sidaasi waxaa laga soo xigtay Waaxda Bilayska ee Montevideo.

Angela Marie Haugerud, oo 41 jir ah, ayaa la dhaawac uu soo gaaray waxaana loo qaaday Xarunta Caafimaadka ee Hennepin County ee Minneapolis, iyadoo aan la garanaynin dhaawaceedu xadiga uu la,eg yahay.

Maydka Schwartz waxaa loo qaaday Xarunta Baarista Caafimaadka ee Anoka, laakiin wareysi kooban uu bixiyay Taliyaha Bilayska Adam Adam Christopher ayaa sheegay in ay u muuqato in Schwartz uu u geeriyooday dhaawaca soo gaaray.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.