Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa dib ugu soo noqday Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Jabuuti kaga sii gudbay Dalka Turkiga halkaas uu kaga soo qeyb galay Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Turkiga

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Wafdi uu Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku tagay wadamada Jabuuti iyo Turkiga ayaa dib ugu soo noqday Muqdisho, xubno  ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa garoonka uga hor tagay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan ayaa ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha

Farmaajo ayaa dalka jabuuti kaga soo qeyb galay shir looga hadlayay hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah.

Waxaa sidoo kale uu ka qeyb galay furitaanka Aaga Caalamiga ah ee Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti iyada oo ay munaasabaddaasi goobjoog ka ahaayeen Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Rwanda, Madaxweynaha Suudaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Guddoomiyaha Midowga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Jabuuti kaga sii gudbay Dalka Turkiga halkaas uu kaga soo qeyb galay Munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan oo dhowaan dib loogu doortay xilka madaxweynaha dalkaasi.

Leave A Reply

Your email address will not be published.