Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Sidee ayaa loo musaafuriyaa Soomaalida Maraykanka Warbixin dheer oo xiiso leh

Barqo kulul ayey aheyd markii uu Axmed soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, markaas oo uu la socday diyaar Mareykanka loogaga soo musaafuriyay bilowgii sanadkan. Dhirta magaaladana waxaa ruxaysay neecow qabow xilli jawigana uu kulul yahay, jawigaas oo aanan warba u hayn walaaca, xanuunka iyo dhibaatada uu bilooyinka soo maray Axmed.

Waa magaalo 32-jirkan ay ugu dambaysay 10 sano ka hor.

“Waxa ay aheyd mid dhib badan. Dhanka kale: ‘Xor ayaan ahay’. Hasayeeshee dhanka kale: ‘Halkan ayaan joogaa,'” ayuu yiri.

Goob lagu xiro muhaajiriinta ayuu bishii Maarso ka soo baxay oo uu xorriyaddiisa ka helay, goobtaas oo la sheego in cudur iyo caga-juglayn ay fara ba’an ku hayso, ayaa waxaa loo musaafuriyay magaalo ay tobannaan sano halakayeen dagaalo sokeeye iyo weerraro argagixiso.

Waxa uu ii sheegay in sheekadiisa waxa uuse iga codsaday in magaciisa rasmiga ah aanan shaacin cabsi uu ka qabo inay soo bartilmaameedsadaan ururka Al-Shabaab sababtoo ah shaqadii uu Mareykanka ka qaban jiray ee uu dhalinyarada uga digi jiray khatarta ay leedahay in lagu biiro maleeshiyada Soomaaliya ka dagaalanta.

Lix bilood ka hor, magaalo yar oo ku taal gobolka Minnesota – halkaas oo hoy u ah bulshada ugu badan ee Soomaalida ku nool waddankaasi Mareykanka – ayuu Axmed xilli arooryo ah waxa uu gaarigiisa iskuulka ku gaynayay gabadhiisa.

Markii uu xoogaa socday ayaa waxa uu dareemay in gaari weyn oo muraayado madow uu daba socdo.

Waxa ay u muuqdeen in howlwadeennada Laanta Socdaalka iyo Kastamyada ay si dhaw ninkaasi ula socdeen, kaddib markii uu gaari ka soo degayna waa ay jeebeeyeen oo xabsiga ayey u taxaabeen.

Taasina waxa ay aheyd bilowga xaalad murugo badan oo 10 xabsi oo Mareykanka ku yaal la isaga kala badelay weliba muddo kooban oo lix bilood ah.

Waxaa ku dhacay qaaxo ama TB.

Sida uu sheegayo qof kale oo la soo musaafuriyayna waxaa bishii Maarso dib loogu celiyay dalka Gambia, taasi wax caadi ah ma ahan. Goob dadka lagu xiro ayaa xitaa waxaa lagu naaneesay “Waaxda Qaaxada” kaddib markii uu halkaasi cudur ka dilaacay, sidaas ayuu ii sheegay.

Askari ayaa la sheegay inuu qiray in saaxiibadii ay diideen inay halkaas ka shaqeeyaan.

Askartaasi uma aanay muuqan kuwo naxariis u hayay dadka u xiran, sida uu Axmed sheegay.

“Si xun ayey noola dhaqmeen, waa ay na garaaceen wayna na jir dileen,” sidaas ayuu yiri.

Anwar Maxamed oo isna ah 30 sano jir laga soo tarxiilay Mareykanka ayaa waxa uu sheegayaa in tacaddiyo loo gaystay: “Waxaa la iigu cagajugleeyay in la i dili doono.”

“Markii ay garba-duubka inoo xireen ayaa waxa ay nagu tuuri jireen darbiga iyo dhulka.”

Laanta Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka ayaa waxa ay sheegaysaa in dhammaan eedahaasi tacaddiyada la sheegay ay si qoto dheer u eegi doonto, dulqaadna aanay u haynba falalka noocaas oo kale in lagugu dhaqaaqo.

“Mashruuc si lixaad leh loogu baarayo arrintan ayey Laanta Socdaalka iyo Kastamyada ku xaqiijinaysaa in xarumaha dadka lagu hayo ay noqdaan kuwa leh adeeg wanaagsan. ,” waxaa sidaas sheegay afhayeenka hay’addaasi Brendan Raedy oo ka jawaabayay eedo ah in tacaddiyo loo gaystay dadka xiran iyo xaalado aan wanaagsanayn oo la sheegay in goobahaasi ay ka jiraan.

“Waxa ay Laanta Socdaalka iyo Kastamyadu sameysay heerar kala duwan oo lagula soconayo goobaha dadka lagu hayo si loo xaqiijiyo badqabka, ammaanka iyo bini’aadnimada dadka u xiran hay’adda,” ayuu sii raaciyay, isagoo sheegay in maxaabiista ay cabashadooda u soo gudbin karaan si madax bannaan si dib loogu eego.

Marka sidee Axmed oo Mareykanka tegay isagoo qaxooti ah dib loogu celiyay dalkii uu isaga soo cararay in ka badan labaan sano ka hor?

Si kooban, waxa uu ahaa carruur lagu helay dambi ah inuu maandooriye gadayay.

Axmed waxa uu xabsiga ku qaatay saddex sano iyo bar, mudadaas oo uu leeyahay waxaa ii suurowday inaan dhameysto waxbarashada sare ee diplomada, koorsooyinna uu kuliyadda ka dhigtay kaddibna uu goobtii ka noqday imaam.

Hasayeeshee dhib kale ayaa u dhinnaa, oo markii xukunkii dhameystay ayaa waxaa loo dhigay goob laanta socdaalka ay dadka ku xirto.

“Konton maalmood oo u dhiganta 50 sano ayaan halkaasi ku qaatay,” ayuu yiri.

Marka markii ay foomkii dadka lagu sii daynayay ay soo hor dhigeen waa uu iska saxiixayba. Goor dambe ayuu ogaaday inuu saxiixay amarkii lagu musaafurin lahaa, halkaana xaqiisii uu ku waayay.

Axmed oo aanan haysan baasaboor ama dukumintiyo uu ka caddeyo inuu Soomaali yahay, Axmed kaliyana ma ahan dadka khaladka sameeyay.

“Qareennada dowladda, Laanta Socdaalka iyo Kastamyada, iyo xitaa xaakimiinta ayaa waxa ay Soomaalida u sheegayeen: ‘Kiiskaaga waxba ha difaacan, amarkan dalka lagaaga saarayo saxiix, weligaa Soomaaliya dib laguugu celin maayo,” waxaa sidaasi sheegay John Bruning oo ah qareen dhanka socdaalka ah.

Xilligaas taladaasi waxa ay u muuqatay mid sax ah maadaama dalkan ku yaal Bariga Afrika ay weli ka socdeen colaadaha, saraakiisha Mareykankana waxa ay u muuqdeen inaysan danaynayn inay musaafuriyaan dadka galay dambiyada aanan sidaas u cuslayn.

Inaad kiiskaaga difaacato waxa ay ka dhigan tahay inay suuragal noqoto inaad muddo ku sii jirto xerada dadka lagu hayo, ayuu leeyahay Mr Bruning.

“Marka waxaa jira dad badan oo aanan difaacan kiisaskooda, warqadda unbey saxiixaan xuquuqdoodana halkaas ayey ku luntaa, iyagoo moodaya in la dhowri doono.

“Haatan waannu aragnaa in xaalladu aanay sidaas ahayn.”

Maamulka Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sare u qaaday howsha musaafurinta. iyadoo xogta federaalka ay muujinayso in tirada Soomaalida ee la musaafuriyay ay 2017-kii gaartay 528 – tiraadaas oo ku dhaw saddex laab dadkii la musaafuriyay 2016.

Hasayeeshee howshu waaba bilow oo waxaa la qorsheynayaa in la musaafuriyo 4,000 oo qof oo Soomaali ah, sida laga soo xigtay safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Mareykanka Axmed Ciise Cawad.

Mr Bruning ayaa waxa uu rumeysan yahay in qaar ka mid ah dadkaasi la geeyay gobollada ay ka taliyiin Jamhuuriyiinta halkaas oo “xaakimiinta ay u badan tahay inay codsiga dadkaasi diidaan”.

Waxa uu ka hadlayaa Soomaalida magangalyo doonka ah ee lagu qabtay xuduudda San Diego, California, balse la geeyay gobollo ay “heerrarka diidmadu gaarsiisan tahay boqolkiiba 99”.

Taasi waxa ay ka dhigan tahay inay jiri karaan dadkale oo badan oo Axmed oo kale ah oo sheegaya in duulimaad kale oo ay la socdaan dad Mareykanka laga soo musaafuriyay ay Soomaaliya soo gaareen todobaadkii la soo dhaafay.

Malee Ketelsen oo ah qareen dhanka socdaalka ah ayaa waxa ay sharaxaysaa in qaar ka mid ah dadka ay amarka haysteen muddo 10 sano ah amaba ka badan.

Mudadaas “oo ay guursadeen, carruur dhaleen oo ay wax barteen, oo weliba ay wax ku soo kordhiyeen bulshada Mareykanka ayaa kaddib maamulka Trump ayaa yimid waxa ayna go’aansadeen in howsha la socodsiiyo”, ayey tiri.

Axmed waxa uu dhalinyarada Soomaalida u aasaasay laba hay’adood oo khayri ah, isagoo middaas uga gol lahaa inuu ka hor tago iskudhacyada hubka loo adeegsado iyo xagjiraynta. Waa uu guursaday laba carruur ah ayaana u joogto.

Haatan waxa uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo 8,200 mayl (13,000km) u jirta qoyskiisa, weliba dal wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay leedaahay uma safri kartaan sababo ay ku sheegaan “dambiyo, argagixiso, iyo burcad badeed”.

Dhab ahaantii Laanta Socdaalka iyo Kastamyada ee Mareykanka dadkaasi maysan siin duulimaad toos ah oo ay ku tagaan Muqdisho – waxaase marka hore laga dajiyaa dalka dariska ah ee Kenya kaddibna lugta ugu dambeysa ee safarkooda waxaa lagu sii wareejiyaa shirkado diyaaradeed oo gaar loo leeyahay. Afhayeenka hay’addaasina ma uusan ka hadlin in taasi ay u sameeyaan sababo dhanka ammaanka ah iyo inkale.

Mr Maxamed oo sidoo kale ah canug qaxooti ah ayaa la soo musaafuriyay kaddib markii uu xabsiga muddo 8 sano iyo bar ah ugu jiray wax uu xaday.

Waxa uu aad ugu faraxsanaa inuu ka soo baxsaday laba sano oo uu ku qaadan lahaa goobaha dadka lagu hayo hasayeeshee nolosha dhabta ah ee ka jirta magaalada Muqdisho ayaa haatan u qaadan la’yahay.

“Maalin dhaweyd qof ayaa horteenna lagu dilay. Wax sharci ah halkan kama shaqeeyo,” ayuu yiri.

Axmed waxa uu sheegayaa in dadka loo arko inay “meelo kale ka yimaadeen” ayey sidoo kale middaas khatar badan uga iman kartaa.

“Waxay moodayaan inaannu basaasiinnahay. Aad ayey nooga didsan yihiin,” ayuu yiri.

Leave A Reply

Your email address will not be published.