Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Wakiilka Eden Hazard & Real Madrid oo isfahmay

nkastoo ay u muuqato inay isku waafaqsan yihiin wakiilka Eden Hazard iyo Real Madrid saxiixa xiddiga reer Belgium xagaagan, hadana Chelsea ayaa dalbatay qandaraas cusub inuu saxiixo xiddigaan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ‘AS’, kooxda Premier League ayaa si aad ah ugu dadaaleysa inay xiddigooda kusii heyso Stamford Bridge xilli ciyaareedkan.

Roman Abramovich ayaa la rumeysan yahay inuu qiimo dhan € 200m ku doonayo xiddiga qaranka Belgium, laakiin Florentino Perez ayaa dooneya inuu bixiyo 130 milyan oo ginni.

Hazard ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Koobkii Adduunka ee xagaagan kusoo idlaaday Russia, isagoo kula ka saaciday in Belgium ku dhameystaan kalainta saddexaad.

Xiddigaan ayaa loo arkaa bedelka Ronaldo oo ku biiray kooxda ka dhisan Talyaaniga ee Juventus.

Leave A Reply

Your email address will not be published.