Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

RASMI: Inter Milan Iyo Atletico Madrid Oo Ka Heshiiyay Saxiixa Xidiga Reer Croatia Sime Vrsaljko.

wararka ka imaanaya talyaaniga ayaa sheegaya in labada kooxood ee Inter iyo Atletico Madrid ay ka heshiiyeen saxiixa xidiga reer Croatia ee Sime Vrsaljko kaas oo kubiiraya kooxda ku ciyaarta San Siro Stadium.

Sida ay qorayaan wargaysyada talayaaniga subaxan, Nerazzuri ayaa u muuqata mid waqtigan soo gabagabeesay soo qadashada xidigan ay waqtiga dheer suuqa ka baadi goobsay.

Vrsaljko ayaa haatan noqonaya saxiixii 7-aad ee ay Inter kasamayso daaqadda kala iibsiga ee xagaagan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in 26-jirkan ka ciyaari kara labada garab ee daafaca uu ugu soo wareegi doono Inter Milan adduun dhan 25-malyan oo Euro.

Leave A Reply

Your email address will not be published.