Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Higuain oo u duulaya Italy si mustaqbalkiisa uu go’aan uga gaaro! Chelsea mise Milan?

Xilli aysan meel u dhicin sheekada mustaqbalka Gonzalo Higauin, weeraryahanka Juventus ayaa gaaraya dalka Italy si uu mustaqbalkiisa dhan ugu jiheeyo.

Majaladda Calciomercatto ayaa fahansan inuu weeraryahanka reer Argentina kusoo laabanayo gudaha Taliyaaniga halkaas oo ku gala go’aamin doono mustaqbalkiisa iyo kooxdiisa xigta.

AC Milan iyo Chelsea ayaa midba midka kale isku dayayaa inuu ka fara maroojiyo saxiixa 30-jirkan xilli Milan iyo Juve ay isku af garteen iibka xiddiggan ha yeeshee uusan weli si shakhsi ah ula gaarin.

Waxaa la filayaa inay isa soo raacaan walaalkiisa ahna wakiilkiisa lagu magacaabo Nicholas kaasoo qayb lixaad leh ka qaadanaya in xiddiggan uu ku biiro Milan, ama ay ku qancaan qorshaha Blues.

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa sugeysa keliya inay Higuain iyo Milan is fahmi waayaan, waxaana ay la diyaar tahay inay siiso mushaarka uu dalbanayo ee ah €8m xilli ciyaareedkii oo ay hadda Roseneri ka dhiidhinayso.

Leave A Reply

Your email address will not be published.