Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Kuma Jiro Willian: Chelsea oo Stamford Bridge ku celineysa saddex ciyaartooy

Chelsea ayaa wali rajeyneysa inay Eden Hazard ka dhaadhicin karto saxiixa qandaraaska cusub oo uu kusii joogayo Stamford Bridge.

Heshiiska haatan Hazard ayaa dhacaya 2020, halka kooxda ay isku dayeyso inay ku qanciso saxiixa qandaraas cusub.

Eden Hazard lama hubo mustaqbalkiisa waqtiga dheer ee kooxda ka dhisan galbeedka London.

Chelsea ayaa isku dayday dhowr jeer inay heshiis la gasho ciyaaryahanka khadka dhexe ee Hazard iyo goolhaye Thibaut Courtois.

Goolhayaha Belgium kaliya hal sanno ayaa kaga haray qandaraaskiisa kooxda, si kastaba ha ahaatee Blues ayaa haatan isku diyaarineysa qorshe ay kaga saxiixeyso heshiis cusub.

Chelsea iyo macalinkooda cusub Maurizio Sarri ayaa doonaya inay sii wadaan qorshaha lagu celinayo Hazard, iyadoo sida ugu dhaqsiyaha badan looga saxiixi karo qandaraas cusub.

Ka dib Koobkii Adduunka Kante ayaa xiiso weyn uu kaga imaanaya Paris Saint-Germain, iyadoo Blues ay dooneyso inay heshiis cusub oo shan sanno ah oo uu ku qaadanayo 290 kun oo ginni isbuucii ka saxiixdo ciyaaryahanka.

Leave A Reply

Your email address will not be published.