Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

RASMI: Gabriel Jesus oo heshiis cusub u saxiixay Manchester City.

Weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesusu ayaa si rasmi ah ugu saxiixay kooxdiisa heshiis gaaraya illaa 2023.

Jesus ayaa ka mid ahaa xiddigihii ugu horreeyay ee lasoo saxiixday Pep Guadiola markii uu yimid Ethida xilli ciyaareedkii 2016/17, xilligaas oo uu kasoo qaatay kooxda Palmeiras inkastoo uu soo gaaray England bartamahii xilli ciyaareedkaas.

Markii uu kusoo biiray Citizens waxa uu durba loollan adag la galay weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero.

21-jirkan ayaa wacdaro dhigay labadiisii xilli ciyaareed uu Ethihad, waxaana ay taasi u sahashay inuu ka mid noqdo safka koowaad ee xulka Brazil iyo Macallin Tite.

Leave A Reply

Your email address will not be published.