Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Maxey Soomaaliya ka tiri xiriirka xumaaday ee Sacuudiga iyo Kanada

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa looga hadlay xiriirka sii xumaanaya ee Dowladaha Sacuudi Carabiya iyo Canada, 

 

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa looga hadlay xiriirka sii xumaanaya ee Dowladaha Sacuudi Carabiya iyo Canada,

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.

Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xiriirkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi”.

Leave A Reply

Your email address will not be published.