Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Soomaalida iyo Oromada Mareykanka oo ka hadlay Xaaladda murugsan ee labada Qowmiyad

Kulan ka dhacay Masjidka Abuubakar Assidiiq ee magaalada Minneapolis ayaa looga hadlay sidii loo baajin lahaa dhiigga daadanaya iyo colaada jirta.

Rabshado mudooyinkii dambe ka socday deegaanada labada qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada ee dalka Ethiopia ayaa markii ugu horeysay waxaa wada jir uga hadlay Jaaliyadaha labadaas qowmiyadood ee ku nool Maraykanka.

Colaada labada dhinac ku dhexmareysa geeska Africa ayaa sababtay dhimasho, dhaawac, iyo barakaca dad badan oo labada dhinac ah.

Kulan ka dhacay Masjidka Abuubakar Assidiiq ee magaalada Minneapolis ayaa looga hadlay sidii loo baajin lahaa dhiigga daadanaya iyo colaada jirta.

Culumo aqoonyahano iyo waxgaradkii ka qeyb galay ayaa ka dalbaday dhinacyada is haya in ay joojiyaan colaada sidoo kalena Dowladda Ethiopia ayay ugu baaqeen in ay soo afjarto xurgufta jirta.

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.