Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Akhriso Hooyo uur leh iyo ilmaheeda yar oo arxan darro loogu dilay Magaalada….

Hooyadan uurka leh iyo ilmaheeda yar ayaa ka mid noqday dadkii ugu dambeeyay ee sida naxariis la’aanta ah loogu xasuuqay Gaza.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka dalka Falastiin Saddex Qof oo reer Falastiiniyiin ah oo ay ku jirto Haweeney Uur leh iyo Canugeeda oo dhalan 18-bilood ayaa ku dhintay Duqeyn dhanka cirka oo ay Ciidamada Israel ay ka geysteen Marinka GAZA.

Hooyadan uurka leh iyo ilmaheeda yar ayaa ka mid noqday dadkii ugu dambeeyay ee sida naxariis la’aanta ah loogu xasuuqay Gaza.

Israel ayaa uga digtay Xamaas iney sii wadaan dagaalada dhinaca kale warbaahinta Israel ayaa shacabka u sheegtay iney ka baxaan goobaha u dhow Xuduuda Marinka GAZA ee dhulka Falastiin.

Xubin ka tirsan Militariga Israelayaa sheegay inay sii wadi doonaan duqeynta Marinka GAZ ay ka geysanayaan.

WAFA waa Wakaaladda Wararka ee Falastiinoo oo illo xog ogaal ah soo xiganeysa ayaa ku warantay in 12-Qof oo falastiiniyiin ah ay dhaawacmeen,halka xubno ka tirsan Garabka Xamaas ee Hubeysan ay ku dhinteen.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in ku dhawaad 150-Gantaal oo kaga yimid Gaza ugu yaraan 25 ka mid ah laga hortagay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.