Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Maxaa ka jira iney is hor fadhiyaan Liyuu Boolis iyo Millatariga Itoobiya?

Xuno ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya waxa ay sheegeen in mar walba laga baqdin qabo in dhinacyadan uu dagaal dhexmaro

Sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno degaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan degmada Dhagax-buur ciidanka Liyuu Boolis iyo Millatariga Itoobiya ayaa halkaasi isku hor fadhiy, Kadib xiisad ka dhalatay qaabkii Jigjiga looga waday Madaxweyne hore Cabdi Maxamed Cumar oo la soo sheegayo inuu xabsi guri ku yahay caasimadda Itoobya.

Xuno ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya waxa ay sheegeen in mar walba laga baqdin qabo in dhinacyadan uu dagaal dhexmaro maadaama dadaalo badan oo la sameeyay lagu guul dareystay in lagu kala kaxeeyo.

Geesta kale waxaa caadi ku soo laabtay ganacsigii iyo isu socodkii Jigjiga oo xiisad sababtay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed ay ka jireen maalmihii ina dhaafay.

Leave A Reply

Your email address will not be published.