Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Soomaalida Kanada ayaa diidmo kala hor yimid go’aan ka soo baxay Dowladda Soomaaliya

Iyagoona Soomaalida ay ku leeyihiin Kanada siyaasiyiin iyo madax kale oo qeyb ka ah jaan goynta siyaasadda dalkaasi.

Soomaalida ku nool Kanada qaarkood ayaa diidmo kala hor yimid go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku garab istaagtay Sacuudiga oo khilaafka xoogan uu kala dhaxeeya Kanada.

Sidoo kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanada waxa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku deg degtay taageerada dalka Sacuudiga, waxayna tilmaameen in ay muhiim tahay in go’aandhex dhexaad ay ka qaadato si la mid ah khilaafkii khaliijka oo kale.

Dhinaca kale jaaliyadda Kanada ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku habooneyd inay eegto danaha dadkeeda kahor go’aan qaadashada maadaama Canada ay ka mid tahay wadamada ugu badan ee soo dhaweeyay Soomaalida qurbaha ku nool.

Iyagoona Soomaalida ay ku leeyihiin Kanada siyaasiyiin iyo madax kale oo qeyb ka ah jaan goynta siyaasadda dalkaasi.

Khliaafka labada dal ayaa yimid kadib markii Kanada ay Sacuudiga u jeedisay sii deynta Rayf Badawi iyo Samar Badawi oo ah walaalo u xiran Sacuudiga arrinkaasi.

Taasina waxey sababtay in khilaafka uu circa isku shareero oo labadaasi wadan waxaa ay u kala yeerteen safiiradii u kala fadhiyay labada dhinac.

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Sacuudiga.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.