Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Xubin ka mid ah xukuumadda RW Kheyre oo xilkii iska casilay

Maalmahan dambe waxaa jiray is qab qabsi mararka qaar soo kala dhexgala Wasiirada Wasaaradaha Xukuumadda iyo masuuliyiinta ka hoos shaqeeya

Xoghayihii joogtada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Macalin aya iska casilay xilkii uu hayay.

Maxamed Cumar ayaa sheegay inuu isku casilay xaalado adag oo u saamixi waayey inuu sii gutto shaqadii uu u hayey wasaaradda Gargaarka, Isagoona xusay inay kala aragti duwanaansho u dhaxaysay isaga iyo Wasiirka Wasaaradda Xamza Saciid Xamza.

Maamlo ka hor ayay aheyd markii la xiray Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaasimihii Waaxda Dib u Dejinta Barakacayaasha ee wasaaradaasi oo haatan ku jira xabsi kadib markii dawladda Soomaaliya ku eedaysay xatooyo xoolo dadweyne.

Maalmahan dambe waxaa jiray is qab qabsi mararka qaar soo kala dhexgala Wasiirada Wasaaradaha Xukuumadda iyo masuuliyiinta ka hoos shaqeeya, waxaana dhacda mararka qaar inay soo saaraan warqado isku jawaabid ah oo awood sheegasho ah.

Leave A Reply

Your email address will not be published.