Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Ciyaraha Kubadda Cagta  ee Degmooyinka Gobolka banaadir oo bilowday

Tartankan inta uu socda waxaa lagu wada qaban doonaa labada garoon ee kala ah koonis dagmada C/caziiz iyo garoonka Jaamacadaha ee Dagmada.

Waxaa  muqdisho si rasmi ah uga bilowday tartanka kubada cagta dagmooyinka gobolka banaadir oo ay ka qayb galayaan dhamaan 17-ka dagmo ee Caasimadda.

Marwo Khadiijo Maxamad Diiriye Wasaiirka dhalinyarada iyo isboortiga ayaa furtay tartankan oo degmada waaberi ay difaacaneyso maadaamada ay sanadkii ina dhaafay iyagu ku guuleysteen.

Dagmada difaacanaysa tartankan  ee Waaberi iyo dagmada Dharkeenley ayaa nasiib uyeeshay in lagu furo ciyaaraha, kuwaasi oo Groupka A kuwada jira waqtigii loogu talagalay ciyaarta waxa  ay ku soo dhamaatay 2-0 oo ay guushu raacday dagmada waaberi.

Tartankan inta uu socda waxaa lagu wada qaban doonaa labada garoon ee kala ah koonis dagmada C/caziiz iyo garoonka Jaamacadaha ee Dagmada.

Ciyaarta xigta ayaa la dheeli doonaa galabta waxaa ku wada balansan Garoonka Jaamacadaha Degmooyinka Shangaani iyo  Yaqshiid, halka garoonka Banaadir ama koonis ay isku arki doonaan degmooyinka Warta Nabadda iyo Hodan.

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.