Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Sawirro:- Kooxda Al-Shabaab Oo Heshiis la gashay Somalia

Dad badan oo baraha bulshada uga hadlay magaca Ciyaaryahankan uu wato iyo kooxda Al Shabaab uu ku biiray oo Soomaaliya ka dagaalanta ayaa dhalisay hadal heyn iyo in aragtiyo kala duwan looga dhiibto baraha bulshada.

Laacibka u dhashay Brazil Wergiton do Rosario Calmon balse ku ciyaara magaca Somalia ayaa ku biiray kooxda Al Shabaab ee ka dhisan wadanka Sacuudiga ka dib heshiis laba sano ah oo ay kala saxiixdeen.

Magaca xidigan lagu naaneesaa ama loo yaqaan Somalia ee uu wato iyo kooxda uu ku biiray ee Al Shabaab ayaa hadal heynta uu dhaliyay aad looga dareemaya baraha bulshada ku xiriirto.

Kooxda reer France ee Toulouse ayaa xaqiijisay in xiddigeedii khadka dhexe ee reer Brazil Somalia uu ku biiray kooxda reer Sacuudi ee Al-Shabaab kadib markii ay burburiyeen heshiiskii halka sano ahaa oo kooxdaas ugu haray.

29-jirkaan heerka caalami ee dhalashadiisa tahay Brazil ayaa heystay heshiis hal sano ah, balse wuxuu isaga tagayaa garoonka Stade Municipal kadi saddex sano oo uu kooxdaas la qaatay.

Ciyaaryahanka Somalia wuxuu u saftay kooxdiisa tiro kulamo aan ka yareyn 84 kulan kulamada horyaalka heerka koowaad ee dalka France, balse markaan wuxuu soo aaday qaaradda Asia gaar ahaan Sacuudiga.

Dad badan oo baraha bulshada uga hadlay magaca Ciyaaryahankan uu wato iyo kooxda Al Shabaab uu ku biiray oo Soomaaliya ka dagaalanta ayaa dhalisay hadal heyn iyo in aragtiyo kala duwan looga dhiibto baraha bulshada.

Leave A Reply

Your email address will not be published.