Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa gaaray Baydhabo “Sawirro”

Wadaadkaan ayaa muddo ka soo tirsanaa kooxda Al shabaab oo wali dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya/

Magaalada Baydhabo ee xarunta goblka Baay waxaa gaaray Musharax  Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu mansuur oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya.

Roobow waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay  dad badan iyo qaar ka mid ah Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxtinimada Maamulkaasi.

Saacadaha soo aadan ayaa lagu wadaa inuu ku dhawaaqo Mukhtaar Roobow inuu yahay Musharax u taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed.

Shir jaraa’id uu ku qabtay garoonka diyaaradaha ee baydhabo ee Sheekh Mukhtaar  ayaa waxaa uu Mahadceliyay Shacabka iyo Musharixiinta Soo dhaweyntiisa ka qeyb qaatay.

Wadaadkaan ayaa muddo ka soo tirsanaa kooxda Al shabaab oo wali dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya/

Leave A Reply

Your email address will not be published.