Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Akhriso: Wasiir ka tirsan xukuumada Kheyre oo u tartamaya kursi ka banaan Golaha Shacabka

Xaliimo Ismaaciil  Xaliimo Yareey Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka waxa ay sheegtay in doorashada maanta ay ku bilaabatay qaab daah furnaan iyo cadaalad ku dhisan.

Doorashada kursi ka banaan golaha shacabka ayaa ka socota magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

Kursiga loo tartamayo waxaa dhowaan iska casiley Dhahar Cali Faarax, waxaana doorashada ku tartamaya labo musharax oo kala ah Maxamuud Cabdullaahi iyo Jamaal Maxamed Xasan wasiirka qorsheynta ee xukuumadda Soomaaliya,.

Xaliimo Ismaaciil  Xaliimo Yareey Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka waxa ay sheegtay in doorashada maanta ay ku bilaabatay qaab daah furnaan iyo cadaalad ku dhisan.

Xaliimo Yarey oo daah furtay Doorashada ayaa sheegtay “Waxaan Halkaan u nimid inaan buuxino kursi ka banaan Golaha Shacabka oo ay ku tartamayaa labada musharax ee kala ah mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo Mudane Maxamuud Cabdullaahi, idinkuna halkaan waxaad u fadhisaan inaad marqaati ka noqotaan sida ay u dhaceyso Doorashada”.

Goobta Doorashada ay ka dhaceyso waxaa ku sugan 51-ergo oo dooraneysa xildhibaanka, iyadoo sidoo kale ay goob joog yihiin marti sharaf kale oo dusha kala soconaya hanaanka ay u dhaceyso doorashadaasi.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.