Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Garsoore Brett Kavanaugh oo loo dhaariyay xilka Maxkamadda Sare ee Mareykanka

Kavanaugh, ayaa ah 53 jir, waxana shaqada loo igmaday ay tahay mid uu joogi karo inta noloshiisa ka dhiman, Kavanaugh ayaa baddalaya garsoore Anthony Kennedy, oo dhawaan howl-gab ka noqdey howsha shaqada.

Golaha Senatka Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii ansixiyay Brett Kavanaugh in uu noqdo garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee Mareykanka, kadib isbuucyo hareeyay noloshiisa eedeymo la xiriira kufsi iyo in uu yahay qof xanaaq badan.

50 senator, oo mid kaliya uu Dimuqraaddi ka yahay, ayaa ku codeeyay ‘Haa,’ halka 48 senator oo wada Dimuqraaddi ahna ay ‘Maya’ ku codeeyeen.

Quburrada ka faallooda siyaasadda, ayaa sheegaya in magacaabista Kavanaugh ee madaxweyne Donald Trump uu u xushey shaqada maxkamadda sare ay maxkamadda sare ka dhigi doonto mid ay ku bataan garsoorrada muxaafadka ah.

Kavanaugh, ayaa ah 53 jir, waxana shaqada loo igmaday ay tahay mid uu joogi karo inta noloshiisa ka dhiman, Kavanaugh ayaa baddalaya garsoore Anthony Kennedy, oo dhawaan howl-gab ka noqdey howsha shaqada.

Madaxa cusub oo noqonaya Guddoomiyaha 114-aad ee Maxkamadda Sare,waxa uu ku soo baxay 50-48.kadib markii xisbiyada Jamhuuriga iyo kan Dimoqraadiga ah uu dhexmaray loolan iyo dodo adag.

Leave A Reply

Your email address will not be published.