Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Daawo:- Darawal ganaax adag ku muteystay Daanyeer uu Bas rakaab ku aaminay

Shirkada iska leh baskan uu waday daanyeerka ayaa si weyn uga carootay dhacdadan, waxa ayna maamulka shirkada si deg deg ah shaqo joojin ugu sameeyeen darawalkii daanyeerka baska u dhiibay.

Darawal dhashay dalka Hindiya ayaa laga duubay muuqaal dad badan aad u daawadeen kadib markii gaari bas ah ay saarnaayeen rakaab badan uu ku aaminay Daanyeer si uu wade uga noqdo.

Gaariga baska ah ee loo dhiibay daanyeerka ayaa waxaa saarnaa sodomeeyo rakaab ah kuwaa oo ku kala qeybsamay aragtida in daanyeer naftooda iyo gaarigaba lagu aamino, halka qeyb ka mid ah dadkaasi ay wax cabasaho ah ka muujin daanyeerka loo ogolaaday in uu kaxeeyo baska.

Muuqaal laga duubay daanyeerkan baska waday ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada loona daawaday, waxa ayna dhacdadan noqotay mid siyaabo kala duwan dadku uga hadleen.

Shirkada iska leh baskan uu waday daanyeerka ayaa si weyn uga carootay dhacdadan, waxa ayna maamulka shirkada si deg deg ah shaqo joojin ugu sameeyeen darawalkii daanyeerka baska u dhiibay.

Afhayeen u hadlay shirekada baska leh ayaa sheegay in aad uga xun yihiin in khatar la galiyo nolosha rakaabka, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in gaari dad badan saaran yihiin lagu aamino daanyeer in uu wado.

Daanyeerka baska waday ayaa waxaa watay rakaab fariistay shirka baska, darawalka baska ayaana daanyeerka inta dhabta saartay gacanta u galiyay isteelka ama shukaanta laga kaxeeyo si uu usii wado.

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.