Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Dhageyso:- Sababta Hirshabeelle uga maqan tahay Shirarka dowlad goboleedyada

Dhawaan ayuu Maxamed Cabdi Waare heshiis la gaaray dowladda Federal-ka ka dib markii Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda shirkoodii Kismaayo ay ka soo saareen qodobo ay kaga hor imanayeen Dowladda.

 

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay in maamulkiisa aanu ka qeyb aheyn shirarkii u dhaxeeyay Madaxda maamulada Dalka.

Intaasi wuxuu ku daray in Hirshabeelle aysan ka qeyb galin shirarkii ugu dambeeyay ee madaxda maamulada ee looga soo horjeeday dowlada Soomaaliya Magaalada Nairobi ayuu ka dhacay shirkii u dambeeyay.

Dhinaca kale  Waare waxuu xusay in Hirshabeelle iyo dowlad goboleedyadda uu ka dhaxeeyo xiriir Wanaagsan, in kastuu carabka ku adkeeyay inaan la aqbali doonin Golaha Iskaashiga ay shiraan Hirshabeelle oo aan ogeyn.

Dhawaan ayuu Maxamed Cabdi Waare heshiis la gaaray dowladda Federal-ka ka dib markii Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda shirkoodii Kismaayo ay ka soo saareen qodobo ay kaga hor imanayeen Dowladda.

 

DHAGEYSO COD WAARE

Leave A Reply

Your email address will not be published.