Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Kala qeybsanaanta Maamulka Galmudug ayaa mareysa heerkii ugu adkaa

Guddoonka baarlamaanka Galmudug oo Cadaado ku dooran doona Madaxweyne

Guddomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in dhawaan magaalada Cadaado ay ka dhaceyso doorashada madaxweynaha Galmudug ka dib markii xildhibaano ku shiray Dhuusamareeb ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Xaaf.

Dhinaca kale xildhibaano ku shiray Dhuusamareeb ayaa ku dhawaaqay in Ismaaciil Cabdulle Axmed ay u doorteen guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Cali Gacal ayaa dhankiisa xusay inay bedelayaan Xareed Cali Xareed guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee baarlamaanka Galmudug oo lagu tiriyo inuu la safan yahay Galmudug garabka Xaaf.

Ugu dambeyn Cali Gacal Casir ayaa tilmaamay in ay diyaarinta doorashada ay ku mashquulsan yihiin warbaahintana ay ka sheegi doonaan xiliga iyo qaabka ay u dhaceyso doorashada,.

Leave A Reply

Your email address will not be published.