Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Wasiir Raali galin ka bixiyay lahjad Soomaali ah oo la sheegay inuu u gafay

Maxmed mursalGudoomiyaha Golaha shacabka ayaa wasiiru dowlaha kulanka Golaha ku faray inuu raali gelin ka bixiyo gaf uu geystay shacab Soomaaliyeed iyo lahjad ay ku hadlaan ee maayga..

Wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa raali gelin ka bixiyay hadal lagu sheegay inuu gaf ahaa oo uu ka horjeediyay Golaha shacabka hortooda.

Maalin kahor xilli ay Golaha shacabka horgeeyeen sharciga hanti dowraha waxaa uu Xildhibaan su’aal ku weydiyay lahjadda Maay-ga balse Maxamuud Xayir wuxuu sheegay in aanu fahmin hadalkiisa oo uu su’aasha iska qasdariyay maadaama mudanaha su’aash ku weydiiyay lahjada maayga.

guux iyo dood badan ayaa ka dhashay arinkaas iyadoona siyaasiyiin iyo dadka shacab ah ay Baraha Bulshada uga faaloonayeen siyaabo kala duwan.

Maxmed mursalGudoomiyaha Golaha shacabka ayaa wasiiru dowlaha kulanka Golaha ku faray inuu raali gelin ka bixiyo gaf uu geystay shacab Soomaaliyeed iyo lahjad ay ku hadlaan ee maayga..

ugu dambeynse  wasiiru dowlaha wasaaradda Maaliyadda Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim raali gelin ka bixiyay hadalkiisii.

Leave A Reply

Your email address will not be published.