Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Akhriso NISA oo Mudane ka tirsan Baarlamaanka ku eedeysay inuu ka shaqeeyo ganacsi sharci darro ah

Hay’adda Nabad sugidda Qaranka ayaa sheegtay in shabakaddaas uu howlaha u sahlay mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ,waxana galka baarista ee shabakadda loo gudbiyay hay’adaha sharciga.

War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda Nabad Sugida iyo Sidrdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee ( NISA) oo lagu baahiyay  barta Twitterka ee hay’adda ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka garoonka Muqdisho ay  gacanta ku dhigeen Shabakad ka shaqeysa lacag dhaqidda iyo sameynta Dollar aan sax aheyn.

Howlgalkan oo ka dhacay Gudaha garoonka Diyaaradaha Mqdisho ee Aadan Cadde ayay NISA shaaca ka qaaday in labo ka mid ah kooxdaasi la qabtay islamarkaana ay ku raad joogto kuwo kale.

Hay’adda Nabad sugidda Qaranka ayaa sheegtay in shabakaddaas uu howlaha u sahlay mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ,waxana galka baarista ee shabakadda loo gudbiyay hay’adaha sharciga.

SI rasmi ah NISA uma aysan sheegin aqalka uu mudanahaasi ka tirsan yahay iyo magaciisa toona.

Leave A Reply

Your email address will not be published.