Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Wasiirka Difaaca iyo Taliyaha CXD ayaa hor tagaya Gudiyada Amniga iyo Difaaca golaha shacabka

Sidoo kale waxaa macquul ah in wax laga weydiiyo burcadda dharka ciidanka dadka ku dhibaateysa ee Muqdisho meelo ka mid ah joogtada ka noqotay.

Gudiyada amniga iyo difaaca ee golaha shacabka ayaa la qorsheynayaa in ay su’aalo weydiiyaan Xasan Cali Maxamed {Amar dambe} wasiirka gaashaandhiga soomaaliya iyo General Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe Taliyaha CXD Soomaaliyeed.

Madaxda hor tageysa Gudiyada ayaa la filaaa in lweydiiyo amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah al-shabaab iyo shacka is abaabulay ee Al shabaab kula dagaalamaya Gobalka shabelleha dhexe.

Sidoo kale waxaa macquul ah in wax laga weydiiyo burcadda dharka ciidanka dadka ku dhibaateysa ee Muqdisho meelo ka mid ah joogtada ka noqotay.

Dhawaan ayay xubno ka tirsan golaha shacabka gaareen deegaanada shacabkaasi is abaabulay ay kula dagaalamayaan Al shabaab.

Leave A Reply

Your email address will not be published.