Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Wiil Hooyadiis asaay u saaray ka dib markii uu dilay Adeerkiis

Dhacdadan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo deegaanada ku dhaw halka dilka uu ka dhacay,

Wararka aan ka heleyno Deegaanka laanbaar oo aan ka fogeyb halka lagu magacaabo Dagaari ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dil aad u fool xun.

Nin dhalinyaro ah ayaa la sheegay in uu dilay adeerkiis oo dhawaan uun mehersaday Hooyada dhashay wiilka dilka geystay.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Dhoore waxaana la tilmaamay in uu meher xaday marwada dhashay wiilka dilka geystay.

Ninka la dilay iyo Hooyada ayaa waxa ay ka yimaadeen masaafo {Meher qarsoodi ah}, balse wiilka falka geystay oo ay dhashay Hooyada ayaa dabin u dhigay adeerkiis kadib markii uu ku war galiyay in ay hooyadii iyo adeerkiisba ay isaga u casuuman yihiin.

Cabdi Dhoore oo ah ninka la dilay oo ay wada socdaan Marwadiisa ayaa u casuumaad tagay guriga wiilka adeerka uu u yahay, kadib markii ay casheeyeen ayaa waxaa dhacday wiilkii oo careysan inuu halkaasi ku dilay Adeerkii Masaafada la aaday Hooyadiis.

Dhacdadan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo deegaanada ku dhaw halka dilka uu ka dhacay,

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug, ayaa laga soo xigtay inay soo qaadeen maydka marxuumka la dilay, ninka falka gaystana uu baxsaday balse ay ku daba jiraan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.