Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Daawo:- Duulimaadkii ugu xiliga dheeraa Dunida oo gaartay Mareykanka

Waxaana naqshadda diyaaraddan loo sameeyey iney beddesho nooci hore ee Boeing 777 iyada 20%-30% ay diyaaradda Boeing 777 ka shidaal cun yartahay.

Dalka Singapore diyaaradda laga leeyahay waxay duullimaad aan hakad lahayd ku tagtay magaalada New York ee dalka Mareykanka, waana diyaaradii ugu horreysay oo tilaabadaasi qaada.

Waa Diyaaraddii ganacsiga ee ugu horreysay oo sameysa duullimaad aan hakad lahayn oo ka soo duushay dalka Singapore ayaa waxay ka degtay magaalada New York, iyada oo jartay masaafo dhan 15,000 oo kiilo mitir waxayna ku qaadatay 17 saacadood iyo 52 daqiiqo.

Maamulka Shirkadda ayaa warbaahinta u sheegay Diyaaradda SQ22 sidday 150 rakaab ah iyo 17 shaqaalaha diyaaradda ah ay gaartay New York.

Waxaana naqshadda diyaaraddan loo sameeyey iney beddesho nooci hore ee Boeing 777 iyada 20%-30% ay diyaaradda Boeing 777 ka shidaal cun yartahay.

Diyaaraddan laga leeyahay shirkadda diyaaradaha Singapore oo uu nooceedu yahay A350-900 oo khamiisti duullimaadka ugu dheeraa ku tagtay New York waxay lahayd laba Matoor.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.