Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay Tiyaatarka Qaranka

Cabdinuur  wuxuu xusay in Tiyaatarka lagu dhisi doono barnaamijka uu hirgeliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee isxilqaan, kaasi oo ay ka qeyb qaadan doonaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana lagu dhisi doono xarumaha danta guud ee Muqdisho ku yaalla.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhagax dhigay xarunta Golaha Murtida iyo Maddadaalada ee Tiyaatarka Qaranka.

Cabdinuur Maxamed Axmed Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka oo la hadlay Warbaahinta ayaa goor sii horeysay sheegay in Madaxweynuhu uu dhagax dhigay xarunta Tiyaatarka Qaranka, halkaasi oo la qorsheynayo in muddo ka yar sanad lagu soo gabo gabeeyo dhismaha xaruntaasi.

Agaaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada ayaa yiri. “Madaxweynuhu waxa uu balan qaaday in muddo sanad ka yar lagu soo gabo gabeyn doono dhismaha Tiyaatartaka Qaranka, waxaan rajeynaynaa in fanaaniinta ay halkaasi ku soo gudbiyaan hal abuurkooda”

Cabdinuur  wuxuu xusay in Tiyaatarka lagu dhisi doono barnaamijka uu hirgeliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee isxilqaan, kaasi oo ay ka qeyb qaadan doonaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana lagu dhisi doono xarumaha danta guud ee Muqdisho ku yaalla.

Leave A Reply

Your email address will not be published.