Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Madaxweyne Farmaajo ayaa safar ku tagay Magaalada Marka

Ciidankan ayaa hawlo kooxaha argagixisada ah looga sifeynayo ka wada qeybo kamid ah Gobolka Sh/Hoose iyaga oo ka saaray magaalooyin badan oo ay Marka ugu horreeyso.

Madaxweyne Farmaajo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose si uu kulamo gaar gaar ah ula yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magalaadaas.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waqti la qaadan doona Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ah dhallinyaro ka jawaabay baaqii Madaxweynaha ee Xasuuqii Al Shabaab ay ka geysteen Soobe.

Ciidankan ayaa hawlo kooxaha argagixisada ah looga sifeynayo ka wada qeybo kamid ah Gobolka Sh/Hoose iyaga oo ka saaray magaalooyin badan oo ay Marka ugu horreeyso.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa bartiisa xiriirka bulshada ku xaqiijiyay safarka Madaxweynaha.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.