Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Madaxweyne Xaaf ayaa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada

Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug oo mudo looga fadhiyay dhismaha golaha wasiirada Galmudug ayaa soo gudbiyay liiska 25 wasiir oo aan laheyn wasiiro kuxigeeno.

Magacaabista golaha wasiirada oo saxaafadda loogu yeeray 12-kii bishan ayaa waxaa baajiyay buuq ay dhaliyeen xildhibaano ka biyo diiday qoondada ay beel ahaan u heleen iyo boosaska loo magacaabay Wasiiradooda.

Sidoo kale waxaa jirtay maleeshiyaad hubeysan oo goostay ilinka hore ee madaxtooyada, kadib markii loo sheegay beeshoodii wasaaradii ay lahaayeen loo weeciyay beel kale.

Madaxweyne Xaaf oo ay kala maqan yihiin madaxweyne kuxigeenkiisa ayaa soo dhisay xukuumad keliya ka kooban wasiiro, waxayna arrintan sii dhalisay xasaasiyad hor leh.

Halkaan ka Akhriso 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.