Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Qasaaraha Qaraxyadii Beydhabo oo sii kordhay iyo Madaxda dalka oo ka hadashay

Galinkii dambe ee shalay waxaa Baydhabo ka dhacay labado qarax oo ahaa kuwo ay isku soo xireen labo qof oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al shabaab.

Tirade dadka ku dhintay qaraxyadii ka dhacay magaalada baydhabo ayaa lagusoo waramayaa in ay sii korortay, Inta la xaqiijiyay dadka ku dhintay qaraxyada waa 22 qof halka dhaawaca uu ka badan yahay 36 qof sida uu xaqiijiyay Cali Wardheere Dooyow Guddomiyaha Bobolka Baay.

Wararka qaar ayaa tirade dhaawaca gaarsiinaya ilaa 50 ruux.

Dhinaca kale Shariif  Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha K/galbeed Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeye labadii qarax ee ka dhacay baydhabo.

Galinkii dambe ee shalay waxaa Baydhabo ka dhacay labado qarax oo ahaa kuwo ay isku soo xireen labo qof oo la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku shahiiday weerarkan arxan darrada ah ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan qoysaska dadka ay dhibaateeyeen argagaxisada Alshabaab

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda inay si deg deg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dhaawacyada culus ee sida bahalnimada leh Alshabaab ay qaraxyo kula beeegsadeen Baydhabo.

“Inaa Lillaahi waa inaa Ilayhi raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada ay ka shahiideen dadkii sida arxan darrada ah ay u gumaadeen argagixasada Alshabaab. Waxaan Alle uga baryayaa in uu si deg deg ah u bogsiiyo dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaasi.”

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa  cambaareeyay qaraxyadii ka dhacay Goob ay isugu yimaadaan oo ku yaala  Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay.

Guddoomiyaha Golaha  Shacabka ayaa sheegay in Isbitaaladda Magaaladda Baydhabo ay u diri doonaan gargaar Caafimaad si wax loogu qabto dadka falkaasi ku waxyeeloobay.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.