Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Wadooyinka Muqdisho ayaa xiran iyo XUsuusta murugada Qaraxii Soobe oo sanad laga joogo

Waxaa u xiran inta badan wadooyinka Muqdisho xuska sanad guuradii ka soo wareegatay qaraxii musiibada ahaa ee Zoobe ka dhacay 14-kii October 2017 maalin Sabti ah.

Dad fara badan ayaa ku qul qulaya isgoyska soobe oo ah halka sanadkii hoore manta oo kale ay ka dhacday musiibada qaran, Ciidamada ayaa dadka lugeynaya baaris ku sameynaya, halka gaadiidka iyo mootooyinka Bajaajta loo diidayo inay isaga kala gudbaan halkaasi.

Isgoyska Zoobe Qaraxii ka dhacay waxaa ku geeriyooday dad ka badan 500 qof halka ay ku dhaawacmeen dad badan oo dhammaantood ahaa shacab aan waxba galabsan oo halkaasi ku sugnaa.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomalaiya ayaa taagany isgoyska Zoobe si ay uga qeyb galaan salaad janaaso wadareed ah loo tukanayo dadkii shacabka ahaa ee lagu laayay isgoyska Zoobe.

Waxaa Isgoyska Zoobe laga qotomiyay taalo lagu qoray 14-ka October oo lagu xusuusanayo dadkii ku hoobtay weerarkaasi arxan darada ah.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.