Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

 Xuska maalintii madoobeyd ee 14-ka October iyo Kheyre oo sheegay in Al-shabaab aysan shaqo ku laheyn wax diin ah

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Al-shabaab oo fuliyey weerarkaasi aaney shaqo ku laheyn wax diin ah, balse ay fulinayaan fikir iyo shaqo ay u hayaan dad ajanabi ah.

Xuska Musiibadii 14-ka October oo lagu qabtay Isgoyska 14-ka October Isgoyska Soobe ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre, Ra”iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Culumaa’udiin iyo dadweyne badan oo isaga kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo muujinayey sida ay uga xun yihiin Xasuuqii 14-kii October 2017.

Masuuliyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed ee goobtaasi joogay ayaa u duceeyey walaalihii ku dhintay musiibadaas,iyagoo kuwii ku dhaawacmayna u rajeeyey in allaah uu siiyo caafimaad taam ah.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo halkaasi kula hadlay dadkii isugu soo baxay ayaa u mahad celiyey shacabka Soomaaliyeed oo door wanaagsan ka qaatay u gurmashada dadkii musiibadu ay soo gaartay, isagoo u tacsiyeeyey ehelada dadkii wax ku noqday musiibadaasi.

Khayre ayaa yiri “Marka hore waxaan halkaan uga tacsiyeynayaa dhamaan eheladii dadkooda ay ku waxyeeloobeen qaraxii foosha xumaa oo halkaan ay ka geysteen Arxan laawayaashii Diinlaawayaasha ahaa, ilaahey samir iyo iimaan ha idinka siiyo, waxaan sido kale u duceyneynaa dadkii halkaan ku dhaawacmay oo an leenahay ilaahey caafimaad deg deg ah ha idin siiyo, waana idin garab taaganahay”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Al-shabaab oo fuliyey weerarkaasi aaney shaqo ku laheyn wax diin ah, balse ay fulinayaan fikir iyo shaqo ay u hayaan dad ajanabi ah.

“kuwa diinlaawayaasha ah ee qaraxaan geystan iyagu isma qarxiyaan oo waxey soo diraan caruur masaakiimiin ah, caruurtooda ma qaxiyaan oo waxey u dirsadaan Iskuulo, waxey qarxiyaan caruur Soomaaliyeed oo ay dhaleen Shacab Soomaaliyeed, iyagoo ah dad ku shaqeysanaya iney umad Soomaaliyeed u baabi’iyaan shaqo ay usoo dhiibteen kuwa Ajnabi ah”ayuu yiri Mudane Xasan Cali Khayre.

Madaxdii iyo shacabkii kale ee halkaasi isugu soo baxay ayaa sheegay in waajib ay tahay sidii loola shaqeyn lahaa Hay’adaha amniga si Cadowgu aaney fursad ugu helin iney geystaan falkan oo kale.

Leave A Reply

Your email address will not be published.