Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Sawirro:- Ogoow ujeedka Safarka Kheyre iyo Soo Dhaweyntii Jowhar

Xasan Cali Khayre raiisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigii uu hor kacayay ee gaaray magaalada Jowhar waxaa garoonka diyaaradaha Magaaladaasi ku soo dhaweeyey Madaxweynaah Hirshabeelle,Wasiirro iyo xildhibaanno maamulkaasi k atirsan.

Cabdiweli Muxumed Cabdi Wasiirka Warfafinta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in ujeedka safarka Ra’iisul Wasaaraha uu yahay dhagax dhiga mashaariic horumarineed oo laga hirgelinayo Hirshabeelle.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in R/wasaaraha  uu kulamo kaal duwan la qaadan doonaa madaxda maamulka Hirshabeele iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Hirshabeelle.Waxaa si weyn loo adkeeyey ammaanka magaalada Jowhar,iyadoo shacabka iyo maamulka ay si wada jir ah u soo dhaweeyeen wafdiga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kahyre.

Leave A Reply

Your email address will not be published.