Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Maxey ka wada hadleen Duqa Muqdisho iyo Wakiilka Qaramada Midoobe? +Sawirro

Eng. Yarisow ayaa ugu hambalyeeyey masuuliyadan cusub iyo waajibaadka culus ee horyaala, isla markaana waxuu ku celiyey in maamulkiisu uu diyaar u yahay wax walba oo gacan ka geysanaya horumarka iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yarisow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa ku soo dhoweeyey xarunta Dawladda Hoose ee xamar  Nicholas Haysom wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in ergaygan cusub ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ay isla soo qaadeen arrimaha Siyaasadda iyo horumarada la gaaray siddeedii bilood ee la soo dhaafay ee xilka uu hayay Eng Yariisoow.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa yiri “Qaramada Midoobey waxa ay Soomaaliya ka caawisaa arrimo badan, maamulka Gobolka Banaadir-na wuxuu adkeeyey xiriirka aan la leenahay hay’adaha kala duwan ee QM. Wakiil Haysom waxaan isla soo qaadnay horumarka Caasimadda iyo kaalinta uga aadan iyo xoojinta xiriirka naga dhaxeeya ee arrimaha Siyaasadda.

Eng. Yarisow ayaa ugu hambalyeeyey masuuliyadan cusub iyo waajibaadka culus ee horyaala, isla markaana waxuu ku celiyey in maamulkiisu uu diyaar u yahay wax walba oo gacan ka geysanaya horumarka iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Nicholas Haysom wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee ee uu ka helay Duqa Muqdisho, kuna ammaanay doorkiisa hogaamineed ee horumarka caasimada ka jira.

Haysom ayaa cadeeyay in UNSOM ay noqon doonto mid u adeegta danaha bulshada Soomaaliyeed.

Leave A Reply

Your email address will not be published.