Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Qeyb ka mid ah Gaadiidka iyo Mooto Bajaajta ayaa laga mamnuucay Baydhabo.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab ay qaraxyo is xig xiga ay ka fuliyeen Gudaha Magaalada, iyadoona Qaraxyadaasi ay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed geystay.

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay saraakiisha ciidamada Booliska ayaa mamnuucay in ay ka shaqeeyaan gudaha magaaladaasi gaadiidka  NOAH-da iyo mootooyinka Bajaajta.

Amarkan ka soo baxay Taliska Booliska ayaa ka dambeeyay kadib markii saraakiisha Amaanka ay heleen war ku saabsan in qaraxyo hor leh ay maleegayaan  Al Shabaab gaadiid qaraxyo saaran yihiin ayaa la rumeysan yahay in ay ku jiraan Beydhabo.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Al-Shabaab ay qaraxyo is xig xiga ay ka fuliyeen Gudaha Magaalada, iyadoona Qaraxyadaasi ay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo bur bur hantiyadeed geystay.

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Baay General Mahad C/raxmaan Aadan  ayaa sheegay in howlgalo ay sameyn doonaan ciidamada Booliska Baydhabo, inta la mamnuucay gadiidkaasi.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.