Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Sawirro:- Maareynta Barakacayaasha ayay ka wada hadleen Gobolka Banaadir iyo UNHCR

Si gaar ah ayaa looga wada hadlay sidii xal-waara loogu heli-lahaa barakacayaasha ka badan 5,000 ee ku sugan gudaha iyo daafaha Muqdisho. shaqo abuurka dhalinyarada, dayactirka goobaha waxbarashada iyo Caafimaadka ee dalka ku yaalla.

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yarisow Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika u qaabilsan UNHCR Danjire Maxamed Cabdi Afeey iyo Marwo Caroline Van Buren Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Soomaaliya.

Si gaar ah ayaa looga wada hadlay sidii xal-waara loogu heli-lahaa barakacayaasha ka badan 5,000 ee ku sugan gudaha iyo daafaha Muqdisho. shaqo abuurka dhalinyarada, dayactirka goobaha waxbarashada iyo Caafimaadka ee dalka ku yaalla.

Eng Yariisoow ayaa warbixin ka siiyey ergada Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga xaaladda barakacayaasha ku sugan Caasimadda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in lasii xoojiyo taageerada loo fidinayo.

Yariisoow ayaa yiri  “Waxaan u mahadcelinayaa madaxda UNHCR ee maanta noogu yimid xarunta Dawladda Hoose, si aan wadajir uga xaajoono mustaqbalka kumanaanka barakacayaasha ah ee ku nool gudaha iyo daafadaha Caasimadda iyo dadka qaxootiga dib uga soo laabanaya”.

Wuxuuna intaa raaciyay Maamulka G/Banaadir si buuxda ayay u garab-taagan yahay qaxootiga iyagoo ka wada shaqaynaya hay’adaha gargaarka sidii looga caawin lahaa in qaxootigu ay noloshooda sidii ay dib ugu qaabeeyn lahaayeen”.

Danjire Maxamed Cabdi Afeey Ergeyga Gaarka ah ee Bariga Afrika u qaabilsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegay in mar walba diyaar u yihiin gacan siinta qaxootiga Soomaaliyeed, isla markaana maadaama ay Caasimadda ku nool yihiin qaxooti tiro badan lagama maarmaan tahay in taageerada la sii labo-jibaaro.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.