Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Xasan Sheekh ayaa ku dhaliilay dowladda Siyaasadda ay ku wajahdo mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in looga baahan yahay dowladda inay la timaado siyaasad furfuran oo ay kula dhaqanto dadka aan ku fikirka aheyn, islamarkaana wixii ay ku hormartayna lagu amaano, balse laga doonayo inay qaadato dhaliisha ku aadan hawlaha ay ka gaabisay.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay dadka xukuumada aan ku jirin ay saaran tahay mas’uuliyad, balse mida gaarka ah ay saaran tahay, baarlamaanka, madaxweynaha iyo xukuumadda.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in looga baahan yahay dowladda inay la timaado siyaasad furfuran oo ay kula dhaqanto dadka aan ku fikirka aheyn, islamarkaana wixii ay ku hormartayna lagu amaano, balse laga doonayo inay qaadato dhaliisha ku aadan hawlaha ay ka gaabisay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri  “Dadka xukuumada aan ku jirin ee banaanka jooga waxaa saaran masuuliyad wadareed, masuuliyadda dadka ay saaran tahay waa dowladda, waxaa laga rabaa inay la yimaadaan wax soo saar dhinac kasta ah, waxaan qabaa mucaaradnimadu ma xuma, hadii ay tilmaamayaan wax qaldan waa inay dowladdu saxdaa, dalkan waa dal dimuqradi ah, dowladda meeshii ay ka gaabisay waa loo sheegaa, meeshii ay hormarisayna waa lagu ammaanaa”.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.