Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Xubno ka tirsan Al shabaab ayaa lagu dilay Baay iyo Jubbada Hoose

Sdioo kale hawlgal qaybta 60-aad ee ciidanka dowladda ay ka sameeyeen deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay ayaa lagu dilay 8-ka tirsan Al-shabaab, kadib markii Al shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay lahaayeen ciidamada oo deegaankaasi kuyaala.

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa baahisay in howlgal dhanka cirka ah oo ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo shisheeye ayaa lagu khaarijiyay xubno ka tirsanaa Al shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolada Jubbada Hoose iyo Baay.

Dhinaca taliska militariga Mareykanka Afrika ee Africom war qoraal ah oo ka soo baxay ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay ka dhacday deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose,islamarkaana lagu dilaya ilaa 4 ka tirsanaa Alshabaab, Lamana sheegin wax khasaare ah oo gaaray dhinaca dadka rayidka ah.

Sdioo kale hawlgal qaybta 60-aad ee ciidanka dowladda ay ka sameeyeen deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay ayaa lagu dilay 8-ka tirsan Al-shabaab, kadib markii Al shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay lahaayeen ciidamada oo deegaankaasi kuyaala.

Leave A Reply

Your email address will not be published.