Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Mudanayaal ka tirsan Golaha Shacabka oo nafdooda ay halis gashay

Xildhibaanada waxey xuseen in loo geystay xadgudub loona diiday in ay maraan waddada, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay  Ciidanka amaanka ee hakiyeen inta badan Xildhibaannada,isaga oo ciidanka ugu baaqay in ay ilaaliyaan xasaanadda Xildhibaannada Soomaaliyeed.

Mudanayaal ka tirsan Golaha Shacabka ayaa walaac ka muujiyay   handadaad iyo rasaas ay kala kulmeen Ciidamada ammaanka oo xiray inta badan wadooyinka caasimadda.

Mudanayaasha kala ah C/ Fitaax Ismaaciil Daahir, C/Qaadir Maxamuud Cismaan, Mahad Maxamad Salaad  iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka u gudbiyay dacwad ka dhan ah Ciidamada Ammaanka dalka ee ku tacadiyaya xildhibaanada qaar sida ay sheegeen

Xildhibaanada waxey xuseen in loo geystay xadgudub loona diiday in ay maraan waddada, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay  Ciidanka amaanka ee hakiyeen inta badan Xildhibaannada,isaga oo ciidanka ugu baaqay in ay ilaaliyaan xasaanadda Xildhibaannada Soomaaliyeed.

Guddiyada amniga iyo difaaca ee Golaha shacabka amray in ay baaritaan ku sameeyaan Xildhibaannada maanta la kulmay handadaadda iyo Rasaasta ee dacwadda u gudbiyay Golaha shacabka.

Leave A Reply

Your email address will not be published.