Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Ciidamada Kenya ayaa Shacab caruur ay ku jiraan ku dilay Gobolka Gedo

Saraakiisha Ciidanka mid ka mid ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay kordhiyeen dhibaatooyinka ay u geystaan Shacabka,  Korneel Aadan Axmed Rufle ayaa tilmaamay inuu aad ugu xun yahay in dad Shacab ah Kenya ay ku dihso Gobalka Gedo.

Deegaano ka tirsan Gobalka Gedo ayaa laga soo sheegaya in Ciidamada Kenya ay dad shacab ah ku dileen deegaanka Faxfaxdhuun ee Gobalkaasi.

Waxaa la xaqiijiyay 3 Caruur ah in ay dhinteen halka 5 qof kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii ciidamada Kenya oo ka careysan qarax miino oo Al-Shabaab ay la beegsadeen, taasina ay keentay tuulo hoostagta Deegaankaasi ay Shacabka ku dileen.

Saraakiisha Ciidanka mid ka mid ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay kordhiyeen dhibaatooyinka ay u geystaan Shacabka,  Korneel Aadan Axmed Rufle ayaa tilmaamay inuu aad ugu xun yahay in dad Shacab ah Kenya ay ku dihso Gobalka Gedo.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.