Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Kheyre ayaa shaqada ka joojiyay xubin ka mid ah Golahiisa Wasiirada

Dhinaca kale Wareegtada kasoo baxday Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wargeliyey Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka in waajibaadkiisa shaqo uu u guto si hufan oo Waafaqsan Dastuurka iyo Sharruucda kale.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Warqad ka soo baxday ayaa shaqada looga joojiyey Maxamed Khaliif Diiriye Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Ganacsiga  Wareegtada Shaqada looga joojiyey ayaa lagu xusay in Ra’iisul wasaare Kheyre oo tixgelinayo Waraaq codsi ah oo kasoo baxday Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu meel mariyey Ra’iisul Wasaaraha Shaqo ka joojinta Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Wasiir ku-xiggeenka Wasaaradda Ganacsiga.

Dhinaca kale Wareegtada kasoo baxday Xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wargeliyey Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka in waajibaadkiisa shaqo uu u guto si hufan oo Waafaqsan Dastuurka iyo Sharruucda kale.

Dhawaan ayay aheyd markii CIidamada hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka qaran ay shaaciyeen in ay garoonka Aadan Cadde ku qabteen shabakad ku howlaneyd ganacsi sharci darro ah, Waxaana ay xuseen NISA in kooxdaasi ay gacan ka helayeen Mudane ka tirsan Golaha shacabka.

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.