Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Madaxweynaha Galmudug muxuu kala hadlay Saraakiisha Ciidanka Mudug?

Ciidamada ayuu ku amaanay Madaxweynaha Galmudug sida ay u xaqiijiyeen amniga guud ee gobolka Mudug wuxuna balan qaaday in ka maamul ahaan ay wax ka qabanayan cabashada ciidamada ay qabaan.

Axmed Ducaale Gelle Xaaf Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Booqday Saldhiga Ciidanka Booliska Galmudug halkaasi uu kula kulmay saraakiisha ciidamada Mudug.

Kormeerka Xaaf ayaa ahaa sidii saraakiisha ciidamada ula hadli lahaa xaalada ammaan ee degaanada Gobolka mudug. Saraakisha ciidamada ayaa Madaxweynaha u sheegay in xaalada ammaan hadda ay tahay mid wanaagsan islamarkana ciidamada ay u baahan yihiin gaadiiid ay shaqooyinkooda u adeegsadaan.

Ciidamada ayuu ku amaanay Madaxweynaha Galmudug sida ay u xaqiijiyeen amniga guud ee gobolka Mudug wuxuna balan qaaday in ka maamul ahaan ay wax ka qabanayan cabashada ciidamada ay qabaan.

Leave A Reply

Your email address will not be published.