Publisher is the useful and powerful WordPress Newspaper , Magazine and Blog theme with great attention to details, incredible features...

Markab ku sigtay in uu Gacanta u Galo Burcab Badeed Soomaali ah

Waa weerarkii Labaad oo sanadkaan ka dhaca xeebaha dalka oo ay Buracadda badaha ku qaadaan Maraakiib islamarkaana guul darreysta.

Koox Burcad Badeed Soomaali ah ayaa la sheegay ineey ku guul darreystay iney qafaashaan markab laga leeyahay Hong Kong, kaasi oo marayey meel ku dhow biyaha Soomaaliya.

Waxaa la xaqiijiyay in weerarkaasi uu dhacay Arbacadii, Oktoobar 16-keedii, markii koox ka kooban afar burcad-badeed oo ku hubaysan qoryaha AK-47 ,islamarkaana la socday donyar ay weerareen Markabka lagu Magacaabo MV KSL Sydney oo Maraayay meel 340 nautical miles u jirta Magaalada Muqdisho.

Koox dhallinyaro ah oo watey doonyo dheereya islamarkaana haystay qoryaha AK-47 ayaa la xaqiijiyey in Arbacadii aynu kasoo gudubney weerar ku qaadeen Markabkaan, balse ay la kulmeen iska cabin xoogan.

Warbixin kasoo baxday xarunta IMB ee la socota dhaqdhaqaaqyadda Burcadbadeeda ayaa lagu sheegay in markabkaasi uu halis galay ,laakiin ay iska caabiyeen Ciidamo Saarnaa ee ilaalada ka haayay.

Dhammaan shaqaalihii iyo waxyaabihii saarnaa Markab waa ay badqabaan sida ay xaqiijisay Shirkadda leh Markabka la weeraray.

Dhanka kale, saraakiisha midowga Yurub ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in lagu guuldarreystay in la qabto burcaddii weerarkaasi ka dambeysay.

Waa weerarkii Labaad oo sanadkaan ka dhaca xeebaha dalka oo ay Buracadda badaha ku qaadaan Maraakiib islamarkaana guul darreysta.

 

 

Leave A Reply

Your email address will not be published.